Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay degmada Buurhakaba.

Tuesday October 19, 2021 - 12:22:41
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ay ciidamada xabashida Itoobiy ku leeyihiin koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe weerar loo adeegsaday madaafiic lagu qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Buurhakaba.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in illaa 9 madfac lala helay saldhigga ciidamada Xabashida ee Buurhakaba waxaana ku dhintay 3 askari, wararka ayaa intaas ku daraya in duqeynta ay ku gubteen qaar kamid ah Teendhooyinkii ay jiifsanayeen saraakiisha ciidamada.

Dhinaca kale xoogag jihaadi ah ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Melleteriga Kenya ka sameysteen deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Ugu yaraan hal askari Kenyaan ah ayaa ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen tira kale.

Related Items