Colin Powell Wasiirkii arriimaha dibadda Mareykanka oo Covid19 udhintay.

Monday October 18, 2021 - 17:29:52
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday mid kamida mas'uuliyiintii ugu caansaneed xukuumadda Mareykanka xilligii uu talada hayay G.W.Bush.


Caabuqa Covid19 ayaa dilay Colin Powell oo soo noqday wasiirka arrimaha dibadda iyo taliyihii ciidanka Mareykanka, ehellada Powell ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Facebook-ga ku xaqiijiyay geeridiisa iyagoona caddeeyay in uu udhintay Carona Virus.

Colin Powell ayaa kamid ahaa garbihii uu ku duulayay G.W.Bush sanaddii 2001 wuxuuna ninkan kaalin weyn ku lahaa duullaanadii Mareykanku u uku qaaday dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Waa shakhsigii labaad oo kaalin weyn ku lahaa duullaanaddii Mareykanku ku qaaday muslimiinta oo dhinta sedax bilood gudahood, dhowaan waxaa sidaan oo kale uhalaagsamay Donald Rumsfeld oo ahaa wasiirkii difaaca maamulkii Bush.

Related Items