Al Shabaab oo 8 askari Kenyaan ah ku dilay deegaan katirsan Jubbada Hoose.

Monday October 18, 2021 - 05:17:07
Liibaan Jeexoow
sawir hore qarax lagu burburay gaari melleteri
sawir hore qarax lagu burburay gaari melleteri
Khasaara lixaad leh ayaa melleteriga Kenya kasoo gaaray qarax lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.


Ugu yaraan 8 askari Kenyaan ah ayaa dhintay kadib markii qarax lala helay kolonyo ciidamo melleteri ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Kambooni ee cirifka Koonfureed Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in qaraxu uu haleelay gaari ciidan oo ay wateen melleteriga KDF, Kaambooni ayaa ku dhow xuduud beenaadka waxaana muddo sanada ah xoog ku jooga ciidamada gummeysiga KDF.

dhinaca kale Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar cusub lagu beegsaday ciidamada meleteriga wadankaas ee ku lugta leh duullaanka Soomaaliya.

Qarax xooggan ayaa lagu beegsaday ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Kayunga ee gobolka Lamu ayna kusii jeedeen deegaanka Sangur, ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxa balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items