Melleteriga Kenya oo xaqiijiyay qaraxii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay gobolka Lamu.

Wednesday October 13, 2021 - 12:15:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Melleteriga Kenya oo xaqiijiyay qaraxii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay gobolka Lamu.

    Taliska ciidanka melleteriga Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa xaqiijiyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ciidamadooda lagula beegsaday gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka melleteriga Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa xaqiijiyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ciidamadooda lagula beegsaday gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan.


Col Esther Wanjiku oo ah afhayeenka ciidanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo katirsan ciidankooda qarax lagula beegsaday deegaan katirsan keymaha Booni balse wuxuu dafiray in khasaara dhimasho ah ay soo gaareen ciidamada.

Kenya waxay sheegtay in 6 askari ay ku dhaawacmeen qaraxa islamarkaana hal askari uu dhaawaciisu aad uliito, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in askarta dhaawacantay diyaarad loogu qaaday dhanka magaalada Nairobi.


Qarax jugtiisa si aad ah loo maqlay ayaa shalay ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Milimani iyo Baure, Al Shabaab ayaa shalay sheegtay in 14 askari ay ku dileen qaraxa ka dhacay Lamu Kenya.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items