14 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Lamu.

Tuesday October 12, 2021 - 17:48:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Lamu.

    Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan melleteriga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan melleteriga wadankaasi.


Qarax aad u xooggan ayaa maanta duhurkii gobolka Lamu lagula beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah waxaana jira khasaara culus oo soo gaaray.

War kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 14 askari Kenyaan ah ay dhinteen kadib markii qarax lagu beegsaday gaari meleteri oo ku socdaalayay inta udhaxaysa deegaannada Milimani iyo Baargooni ee gobolka Lamu.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dhammaan askartii la socotay gaariga labeegsaday, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin wasaaradda difaaca Kenya oo ku saabsan qaraxa ka dhacay gobolka Lamu.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items