Maxkamadda ICJ oo waxba kama jiraan kasoo qaadday sheegashadii Kenya ee Badda Soomaaliya.

Tuesday October 12, 2021 - 17:43:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ICJ oo waxba kama jiraan kasoo qaadday sheegashadii Kenya ee Badda Soomaaliya.

    Garsoorayaasha Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa go'aan kama dambays ah ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee udhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorayaasha Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa go'aan kama dambays ah ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee udhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.


ICJ ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay dacwadda Kenya ee ku doodaysay in iyadu ay leedahay xariijinta xuduudda dhanka biyaha ah ee labada dal udhaxaysa, maxkamada ayaa sheegtay in aysan jirin wax heshiis xuduud badeed ah oo labada dal ay horay ukala saxiixdeen.

Sida ku cad khariirad cusub oo soo baxday ICJ ayaa sameysay xariiqin badeed udhaxayn doona Kenya iyo Soomaaliya arrinkaas oo qudhiisu ah xadgudub hor leh oo laga galay biyaha Soomaaliya.


Dowladda Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu murunsanaa dhul badeed cabirkiisu yahay 100,000KM isku weer ah, dowladda Kenya ayaa horay usheegtay in aysan u hoggaansami doonin go'aanka kasoo baxa maxkamaddan fadhigeedu yahay dalka Holland.

Waxaa xusid mudan in dowladda Kenya ay xoog ku haysato dhulal ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed sida NFD iyo magaalooyin katirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose mana jirto cid ku haysato dhulkaas oo aan ka aheyn Shabaabul Mujaahidiin

Related Items