Al Shabaab oo weerar gaadma ah ku dilay taliyihii Nabad sugidda degmada Dayniile iyo 11 askari.

Tuesday October 12, 2021 - 12:56:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar gaadma ah ku dilay taliyihii Nabad sugidda degmada Dayniile iyo 11 askari.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray weerar culus oo lagula beegsaday deegaan katirsan duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray weerar culus oo lagula beegsaday deegaan katirsan duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Weerar dhabbagal ah oo ay qaraxyo barbar socdeen ayaa maanta barqadii ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday duleedka degmada Dayniile wuxuuna weerarkaas dhaliyay dhimashada ugu yaraan 12 askari oo ay saraakiil kamid yihiin.

ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in saraakiisha weerarka lagu dilay uu kamid yahay taliyihii Nabad sugidda degmada Dayniile kaasi oo lagu magacaabi jiray Faarax Nuur Raage balse magaciisa afgarasho uu ahaa Cabdi Yare.


War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii maanta oo ka dhacay halka loo yaqaan beerta Cali Mahadi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 25 askari.

"12 askari oo katirsan murtadiinta uuna kamid yahay taliyihii sirdoonka degmada Dayniile ayaa ku dhintay weerar isugu jiray kamiin iyo qarax oo ka dhacay duleedka degmada Dayniile" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaari Tikniko ah oo lagu gubay weerarkii maanta uu yaal goobta dagaalka iyadoona ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen illaa 13 askari waxaana kuwa dhaawacmay kamid ah sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Saalax.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items