Al Qaacidda oo Muslimiinta caalamka ugu baaqday in ay dagaal jihaad ah ku qaadaan dowladda Hindiya.

Tuesday October 12, 2021 - 11:19:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda oo Muslimiinta caalamka ugu baaqday in ay dagaal jihaad ah ku qaadaan dowladda Hindiya.

    Xilli gummaad daradan ay lakulmayaan muslimiinta ku dhaqan dalka Hindiya ayuu war culus kasoo baxay hoggaanka Ururka Al Qaacidda ee qaarad u ekaha Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Assahab ayaa baahisay muuqaallo boorin ah
Xilli gummaad daradan ay lakulmayaan muslimiinta ku dhaqan dalka Hindiya ayuu war culus kasoo baxay hoggaanka Ururka Al Qaacidda ee qaarad u ekaha Hindiya.


Kalimad uu jeediyay mas'uul ka tirsan Ururka Al Qaacidda ee Koonfurta Asia ayuu ku dhaleeceeyay caburinta iyo xasuuqa ay dowladda Hindiya ku hayso malaayiin qof muslimiin ah oo kunool gobolka Asam.

Al Qaacidda waxay ugu baaqday muslimiinta mandiqadda in ay usoo gurmadaan walaalahooda lagu xasuuqayo dalka Hindiya, muuqaallo isdaba joog ah oo ay baahisay mu'asasada As-sahab ayay ugu baaqday muslimiinta in ay lajihaadaan dowladda Hindiya.


"waa in muslimiinta caalamka ay jihaad lagalaan dowladda kaafiradda Hindiya, waa in loo gargaaraa muslimiinta Kashmiir iyo Asaam" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Qaacidada qaarad u ekaha hindiya.

Melleteriga xukuumadda New Delhi ayaa howlgallo raaf ah ka wada dhowr gobol oo muslimiintu ay leeyihiin waxaana howlgalladaas cadawtooyo barbar socda dilal aan kala joogsi laheyn oo xagjirayaal Hinduus ah ay kula kacayaan qoysaska muslimiinta laga tirada badanyahay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items