Maleeshiyaadka Suufida oo ka baxay degmo iyo deegaan katirsan bartamaha Soomaaliya.

Tuesday October 12, 2021 - 11:06:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Suufida oo ka baxay degmo iyo deegaan katirsan bartamaha Soomaaliya.

    Wararka ka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Suufida ay isaga baxeen degmo iyo deegaan ay horraantii bishaan qabadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Suufida ay isaga baxeen degmo iyo deegaan ay horraantii bishaan qabadeen.


Shalay ayay maleeshiyaadka Max'med Shaakir faarujiyeen degmada Matabaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Galguduud, dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay ubaxeen dhanka Guriceel balse isbaaro gaadiidka lacag looga qaado ayay dhigteen meel aan sidaas uga fogeyn Matabaan.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Galmudug' ay si nabad gelya ah kula wareegeen deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30Km ujira Dhuusamareeb.


Goob joogayaal ayaa sheegay in deegaanka ay isaga firxadeen maleeshiyaadka Suufida kuwaas oo difaacyo ka qotay afaafka hore ee degmada Guriceel.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaq dhaqaaqyo melleteri ay ka jiraan Dhuusamareeb iyo duleedkeeda, ciidamo dhowaan diyaarado lagu geeyay magaalada ayaa isku diyaarinayay guluf dagaalkeedkii ugu dambeeyay oo ay ku qabsanayaan Guriceel.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items