Ciidamo kawada tirsan DF-ka oo ku dagaallamay degmada Kaaraan.

Monday October 11, 2021 - 10:47:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo kawada tirsan DF-ka oo ku dagaallamay degmada Kaaraan.

    Wararka laga helayo xaafado katirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan iska hor'imaadyo culus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo xaafado katirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan iska hor'imaadyo culus.


Maleeshiyaad kawada tirsan DF-ka ayaa ku dagaallamaya deegaannada Xeebta ku teedsan degmada Kaaraan, dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayaan hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayaan.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaallamaya ay isku qabteen bar koontarool oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka dadweynaha.

Maalmihii lasoo dhaafay boqolaal ciidamo ah oo kasoo baxay dhanka degmada Cadale ayaa ku sugnaa duleedka Kaaraan halkaas oo ay dhibaato ugu geysanayeen gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Related Items