5 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay weeraro ka dhacay Sh/hoose.

Sunday October 10, 2021 - 17:27:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay weeraro ka dhacay Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan DF-ka oo siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan DF-ka oo siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan Sh/hoose.


Xoogag hubaysan ayaa xalay fiidkii weerar Bambaano ku qaaday bar koontarool oo maleeshiyaad katirsan DF-ka ay uga sugnaayeen degmaa Janaale.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Mareereey ee duleedka Afgooye waxaa qaraxyo lagula beegsaday maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 3 askari ay ku dhinteen qaraxyada halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items