Weerar 4 Askari ay ku dhinteen oo ka dhacay saldhig uu ku sugnaa Jeneraal Odawaa Yuusuf.

Saturday October 09, 2021 - 17:30:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 4 Askari ay ku dhinteen oo ka dhacay saldhig uu ku sugnaa Jeneraal Odawaa Yuusuf.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar madaafiic ah oo xoogag jihaadi ah ay ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal duleedka Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar madaafiic ah oo xoogag jihaadi ah ay ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal duleedka Kismaayo.


Wararka ka imaanaya Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga ah ay dhowr madfac ku weerareen saldhigga maleeshiyaadka DF-ka ee deegaanka Baarka.

Weerarka oo dhacay maanta barqadii ayaa lagu beegsaday saldhigga Baarka xilli uu halkaas ku sugnaa Jeneraal Odawaa oo ah taliyaha ciidamada melleteriga dowladda Federaalka.


ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka DF-ka oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii maanta.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items