Kumanaan ruux Tahriibayaal ah oo ka baxsaday wadanka Liibiya.

Saturday October 09, 2021 - 17:26:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan ruux Tahriibayaal ah oo ka baxsaday wadanka Liibiya.

    Shalay Jimcadii waxaa magaalada Tiriboli ee caasimadda liibiya ka dhacay firxad ballaadhan oo ay sameeyeen kumannaan tahriibayaal ah kuwaas oo ka baxsaday goobihii lagu hayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Jimcadii waxaa magaalada Tiriboli ee caasimadda liibiya ka dhacay firxad ballaadhan oo ay sameeyeen kumannaan tahriibayaal ah kuwaas oo ka baxsaday goobihii lagu hayey,



dhacdadaas oo lagu tilmaamay wax aad looga xumaado ayaa timid ka dib markii ay tahriibayaashu ka maqleen israsaasayn xooggan agagaarka xarunta lagu hayey ee "qawd shicaal”.

Tahriibayaasha firdhadey ayaa wararku sheegayaan in usbuucii hore oo dhan laamaha amniga ee xukuumaddaasi ay soo qabqabanayeen isla markaana xidhxidhayeen.

Dadka Tahriibayaasha ah ee ku naf waayey goobtaas waxa lagu sheegay lix qof halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen dhacdooyinkii dhacay shalay jimcihii.



Dhanka kale waxa arrinta walaac ka muujiyey xubnaha qaramada midoobey iyo Mareykanka u qaabilsan liibiya. Wararka qaar ayaa sheegaya in xaruntii lagu dhaqaalayn jirey muhaajiriinta ay lafteedu sii daysay dadkan soo galootiga ah sababo la xidhiidha in ay xaruntu awoodi waydey baahiyihii muhaajiriinta ee cunno iyo cabitaan lahaa.

Liibiya ayaa ah waddan ay yimaadaan kumannaan tahriibayaal ah oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo Afrikaan ah si ay u gaadhaan dawladaha reer galbeedka ama waddamada Yurub. Iyada oo marar badan ay dhacdo in dhallinyaro Soomaaliyeed dhib iyo raffaad kala kulmaan magafeyaasha waddankaas oo aan wax arxan ah lahayn.

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items