Gaari laga dhacay taliyaha Booliska Mudug oo dib loogusoo celiyay.

Saturday October 09, 2021 - 09:57:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari laga dhacay taliyaha Booliska Mudug oo dib loogusoo celiyay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ay dhaceen gaari uu lahaa sarkaal sare oo katirsan maamulka 'Galmudug'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ay dhaceen gaari uu lahaa sarkaal sare oo katirsan maamulka 'Galmudug'.


Bartamaha magaalada Gaalkacyo ayaa shalay lagu dhacay gaarigii gaarka ahaa ee uu lahaa taliyaha booliska qeybta Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka gaariga waxaa dhacay isla maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfurta Gaalkacyo.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in wada xaajood dheer kadib lagu guuleystay in dib loosoo celiyo gaariga booliska ninka lagu magacaabo Qaasim Sheekhdoon Cali.

Arrintan ayaa banaanka soo dhigaysa jiha wareerka iyo daciifnimada ka dhax jira maamulka fadhiiska ah ee 'Galmudug' kaasi oo awoodi waaye in uu mushaar siiyo ciidamadiida mooryaanta ubadan.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items