Xildhibaan Max'med Abiib "Tarxiilka lagu hayo shacabka masaakiinta ah musiibo ayuu ukeeni doonaa Somaliland'.

Saturday October 09, 2021 - 09:53:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Max'med Abiib "Tarxiilka lagu hayo shacabka masaakiinta ah musiibo ayuu ukeeni doonaa Somaliland'.

    Mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa si kulul uga hadlay falalka cunsuriyadeed ee uu maamulkoodu kula dhaqaaqayo qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa si kulul uga hadlay falalka cunsuriyadeed ee uu maamulkoodu kula dhaqaaqayo qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed.


Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa uga digay Muuse Biixi in uu sii wado howlgallada raafka ah ee ka dhanka ah dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay fadeexad iyo ceeb ku tahay 'Somaliland' islamarkaana ay ku reebi doonto mahadho aan go'i doonin.

"Dad walaala muslimiin ah oo soo megengalay Somaliland, in lakala qaado hooyo iyo ilmaheed qoys iyo hantidiis oo 30 sanadood deganaa meel ay dowladnimada kasoo gasho magaranayo" ayuu yiri xildhibaan Abiib.


Wuxuu intaas ku daraya in wixii ka dhacay magaalada Laascaanood ay ahaayeen ihaano ka dhan ah bulshada soomaaliyeed islamarkaana sababi doonto musiibo.

Xildhibaankan ayaa uga digay dadka deggan magaalooyinka Boorama iyo Ceerigaab in ay uhoggaansamaan amarka musaafurinta dadka reer Koonfureedka ah.

Kumanaan qof oo ku dhaqan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Muuse ayaa musaafuris sugayaal ah, waa xildhibaankii ugu horreeyay ee dhaleeceeya falalka cunsuriyadeed ee ay 'Somaliland' ku dhaqaaqday.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items