Diyaarado Drone ah oo duqeymo culus ku haya Maleeshiyaadka Tigreega ee ku sugan gobolka Amhara.

Saturday October 09, 2021 - 13:40:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Drone ah oo duqeymo culus ku haya Maleeshiyaadka Tigreega ee ku sugan gobolka Amhara.

    Dowladda Itoobiya ayaa duullaan culus ku qaaday maleeshiyaadka kooxaha fallaagad mucaaradka Tigreega ee ka dagaallamaya waqooyiga iyo galbeedka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa duullaan culus ku qaaday maleeshiyaadka kooxaha fallaagad mucaaradka Tigreega ee ka dagaallamaya waqooyiga iyo galbeedka wadankaasi.


Kumanaan katirsan melleteriga Xabashida oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ayaa guli dagaaleed culus ku qaaday maleeshiyaadka kooxda TPLF ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Amhara.

Afhayeen uhadlay xoogagga Tigray ayaa wakaaladaha wararka usheegay in ciidamadoodu ay duqeymo culus oo xagga cirka ah kala kulmayaan melleteriga Itoobiya.


Wuxuu sheegay in ciidamada Abiy iyo xulufadoodu ay wadaan dhaq dhaqaaq melleteri ayna doonayaan in ay dib usoo ceshadaan magaalooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Amhara.

Mas'uul katirsan kooxda TPLF ayaa usheegay wakaaladda wararka Reuters in dagaalyahanadooda lagu beegsaday diyaarado Drones ah.

duqeymaha ugu daran waxay ku socdaan degmooyinka kala ah Wurgessa, Wegel iyo Tena oo gobolka Amhara ku xira ismaamulka cafarta waxaa halkaas ku xooggan maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega.

Tan iyo markii Abiy Axmed loo dhaariyay xilka R/wasaaranimada markii 2aad ayuu waday abaabul ciidan oo ka dhan ah kooxda TPLF ee horumarka dagaal ka sameynaysa gabeedka Itoobiya.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items