Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Kenya oo weerar lakulmay iyo sarkaal Muqdisho lagu dilay.

Saturday October 09, 2021 - 09:11:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Kenya oo weerar lakulmay iyo sarkaal Muqdisho lagu dilay.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubaysan ayaa shalay xaafadda Dhagaxtuur ee degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ladilay Cabdi Kuus oo ahaa sarkaal ciidan, xoogagii weerarka geystay ayaa goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday ciidamo katirsan melleteriga Kenya.


Xoogag jihaadi ah ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhig ay ciidamada KDF ku leeyihiin deegaanka Shangaani oo kala qeybiya gobollada Lamu iyo Jubbada hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarad melleteri ay soo caga dhigatay saldhigga ciidanka Kenya ee weerarka kala kulmay Al Shabaab.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items