Wasiirkii amniga gudaha maamulka 'Galmudug' oo iscasilay.

Thursday October 07, 2021 - 17:57:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii amniga gudaha maamulka 'Galmudug' oo iscasilay.

    Axmed Macalin Fiqi oo kamida ahaa golaha wasiirrada maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Macalin Fiqi oo kamida ahaa golaha wasiirrada maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.


Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu shaqada isaga tagay sababa laxiriira khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Axmed Qooqoor oo ah hoggaamiyaha 'Galmudug'.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa iscasilaaddiisa usababeeyay is faham darro ka dhalatay qaabka loo wajahayo maleeshiyaadka Suufida ee dhowaan qabsaday degmada Guriceel iyo deegaannada hoos yimaad.

ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in iscasilaaddan ay salka ku hayso khilaaf muddo soo jiitamayay oo ka dhashay guuldarradii Fiqi iyo Qoorqoor kasoo gaartay dagaalkii Cammaara.


Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu xusuustaa sidii maleeshiyaadkii uu watay loogu jebiyay dagaallo ay Koonfurta Mudug kula galeen xoogaga Jihaadiga Al Shabaab.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items