Iiraan oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Markab uu Mareykanku leeyahay.

Thursday October 07, 2021 - 17:55:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Markab uu Mareykanku leeyahay.

    Warbaahinta dowladda Shiicada Iiraan ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay gacanta ku dhigeen markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda Shiicada Iiraan ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay gacanta ku dhigeen markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.


Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha bulsahada ayaa muujinayay doon uu ka babanayo calanka Iiraan oo ku dhowaanaysa markab melleteriga oo Mareykanku leeyahay.

Iiraan waxay ku dooday in ciidamadeeda badda ay gacanta carabta ku qabteen markab Mareykanku leeyahay ayna su'aalo weydiiyeen naaduuqadaha iyo shaqaalaha kale.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa si kulul ubeenisay sheegashada ka timid Iiraan ee ku saabsan in markab melleteri ay ku qabatay halka loo yaqaan 'Persian Gulf'.


Afhayeen uhadlay ciidanka Badda Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Iiraan, Washington iyo Tahran ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku loolamayay gacan ku heynta marin biyoodka caalamiga ah ee Hormuz

Related Items