Nin sameeyay Ficilladii qowmu Luud oo lagu dilay degmada Kamsuuma.

Thursday October 07, 2021 - 10:36:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin sameeyay Ficilladii qowmu Luud oo lagu dilay degmada Kamsuuma.

    Markale maxkamada islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukunno dilal ah ku fulisay eedaysanayaal gacanta lagusoo dhigay iyagoo falal dambiyeedyo kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale maxkamada islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukunno dilal ah ku fulisay eedaysanayaal gacanta lagusoo dhigay iyagoo falal dambiyeedyo kujira.


fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee Jubbada hoose waxaa shalay isugusoo baxay boqolaal ruux kuwaas oo daawanayay xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa 2 ruux.

Cabdullaahi Ooyoow Mayaane oo 20 sana jir ahaa ayaa lagu helay in uu falkii qowmuluud ku sameeyay wiil yar oo da'diisu udhaxayso5 illaa 6 sano.

Maxkamadda ayaa ninkan falka qowmuluudka sameeyay ku fulisay dil toogasho ah, dilka labaad waxaa lagu fuliyay nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Max'med Faarax oo 24 sana jir ah kaasi oo katirsanaa ciidamada maamulka 'Jubbaland'.


Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Al Shabaab ay laba ruux ugu dileen degmada Jamaame ee isla Jubbada Hoose.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items