Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Xildhibaanno lagu dhaawacay magaalada Jowhar.

Wednesday October 06, 2021 - 08:18:22
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa laga helay weerar ay xildhibaanno ku dhaawacmeen oo ka dhacay magaalo katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay weeraro qaraxyo ah ay lakulmeen laba xildhibaan oo katirsan baarlamaanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Jugta qaraxyo waaweyn ayaa xalay abaara sideedii saac ee habeenimo laga maqlay magaalada Jowhar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyada ay ku dhaawacmeen laba xildhibaan oo lagu kala magacaabo Iidoow iyo Max'med Dheere.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas'uuliyadda qaraxyadii xildhibaannada lagu dhaawacay ee xalay Jowhar ka dhacay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items