Farmaajo oo safarkii ugu horreeyay ku tagay Itoobiya tan iyo markii ay is qabteen Rooble.

Monday October 04, 2021 - 12:45:43
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa markale safar aan horay loosii shaacin ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.


Farmaajo ayay saaka aroortii hore diyaarad khaas ah ka qaadday garoonka diyaaradaha Muqdisho, afhayeenka Villa Somalia ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka qeyb geli doono munaasabad markii 2aad lagu caleema saarayo Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha DF-ka ayaa R/wasaaraha Itoobiya ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashooyinkii murunka badan dhaliyay oo bilo ka hor ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynayaal ka socda dowladaha Afrika ayaa ka qeyb gelaya caleemasaarka Abiy oo kusoo aadaya xilli Itoobiya uu ka socdo dagaal sokeeye kaasi oo dhulka geliyay dhaqaalaha wadanka.

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee madaxa Villa Somalia uu ku aado dibadda tan iyo markii ay is khilaafeen R/wasaarihiisa,
Farmaajo ayaa dabadhilif u ah xukuumadda Addis Ababa wuxuuna horay ugu saxiixay illaa Afar dekadood oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items