Beesha Caalamka' oo walaac ka muujisay Khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Saturday October 02, 2021 - 18:19:29
Liibaan Jeexoow
waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka ragaadiyay hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Q.Midoobay ee arrimaha Soomaaliya yaa lagu sheegay in ismariwaaga udhaxeeya Farmaajo iyo R/wasaare Rooble uu ragaadiyay wax ay ugu yeereen geeddi socodka siyaasadda dalka.

"Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay 'Beesha caalamka'.

Dowladaha shisheeye ee gummeysta Soomaaliya ayaa hoggaanka DF-ka ugu baaqay sida ugu dhaqsiyaha badan ay uxalliyaan khilaafka dhaxdooda ah.

Baaqan ayaa imaanaya xilli Xafiisyada Farmaajo iyo Rooble ay maalmihii lasoo dhaafay soo saarayeen wareegooyin iskasoo horjeeda waxaaja xisid mudan in Rooble laga qaaday awooddii maamul

Related Items