16 Ruux ayaa ku dhimatay Weerarkii Nafhurnimo ee maanta ka dhacay Muqdisho

Saturday September 25, 2021 - 19:14:09
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii nafhurnimo ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo uu kaxeynayey dagaalyahan ka tirsan Xarakada ayaa beegsaday Koontaroolka laga galo madaxtooyada, xilli halkaas ay dhoobnaayeen shaqaalaha madaxtooyada oo xilligaas gaadiidkooda la baaritaan lagu hayey.

Dadka lagu dilay qaraxaas ayaa u badnaa shaqaalaha xafiisyada madaxweynaha iyo ra'isul wazaaraha, waxaana la beegsaday xilli barqanimo ah oo ay isku dayayeen inay kasoo ambabaxeen guryahooda siina galayeen xarunta madaxtooyada.

Badanaa shaqaalaha marka ay koontaroolkaas soo gaaraan inta aysan gudaha u gudbin ayaa la mariyaa baaritaan, waxaana sidaan oo kale Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dhowrjeer u beegsatay koontaroolada laga galo madaxtooyada iyadoo ku dishay saraakiil iyo shaqaale ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Camaliyadan ayaa ka qeyb ka ah weeraro barakeysan oo dagaalyahanada Al-Shabaab har iyo habeen ka fuliyaan Muqdisho kuwaas oo lagu beegsado xubnaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Related Items