Dhageyso: Gurmad Raashin qeybin iyo biyo dhaamin ah oo loo fidiyay dadka ku dhaqan duleedyada Bacaadweyne.

Saturday September 25, 2021 - 08:40:41
Liibaan Jeexoow
Xilli jiilaal adag uu ka jiro gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa gurmad loo fidiyay boqolaal qoys oo ku dhaqan gobolka Mudug.


Wilaayada Islaamiga Mudug ayaa gurmad isugu jira gurmad raashin qeybin iyo biya dhaamin ah usameeyay qoysas ku dhaqan deegaanno hoos yimaad degmada Bacaadweyne.

Ciidamada wilaayada Islaamiga ah ayaa dhowr booyadood oo biya ah udhaamiyay dad ubadan xoola dhaqato oo ku sugan deegaannada Cimaamad,Shabeelloow iyo Hareeri dheere.

Mas'uuliyiin katirsan wilaayada islaamiga Mudug oo horkacayay gurmadkan ayaa sheegay in ay raashinka nuucyadiisa kala duwan uqeybiyeen dadka jiilaashaday ee ku dhaqan Qeycad,Bacaadweyne iyo Cumaamad.

Qaar kamid ah waxgaradka reer Bacaadweyne ayaa ayaa wilaayada uga mahad celiyay sida ay xil isaga saartay wax uqabashada dadka ku saamoobay jiilaalka jira.

Deegaannadan gurmadka laga qeybiyay waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo culus balse markii maleeshiyaadkii cadowga dhabarka laga jebiyay ayay dib usoo laabteen dha dhaqaaqyadii dadweynaha.

Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan gurmadka duleedka Bacaadweyne

Related Items