Wasiir ay isku dhowyihiin madaxweyne Farmaajo oo lagu bahdilay garoonka Garowe.

Thursday September 23, 2021 - 17:30:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ay isku dhowyihiin madaxweyne Farmaajo oo lagu bahdilay garoonka Garowe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Puntland' ay xanibaad kusoo rogeen dad doonayay in wasiir katirsan DF-ka ay kusoo dhoweeyaan Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Puntland' ay xanibaad kusoo rogeen dad doonayay in wasiir katirsan DF-ka ay kusoo dhoweeyaan Garoowe.


Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo hubaysan oo qoor qabanaya tobanaan ruux oo doonayay in ay wasiirka soo dhoweeyaan.

Dad kamid ahaa kuwii ladhibaateeyay ayaa warbaahinta usheegay in ciidamo hubaysan ay udiideen soo dhoweynta wasiirka qorshaynya DF-ka islamarkaana ay is hor taag ku sameeyeen in ay gudaha ugalaan garoonka diyaaradaha Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wasiir Jamaal oo caraysan uu safar dhanka lugta ah ku aaday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag halkaas oo uu ka sameynayo olole doorasho.


Wasiirkan lagu bahdilay Garowe ayay si aad ah isugu dhowyihiin madaxweyne Farmaajo lamana oga in dhacdadii maanta ay ku leedahay khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia ka jira.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items