Melleteriga Itoobiya oo deegaanno laga riixay iyo caasimadda Amxaarada oo halis ku jirta [Warbixin].

Thursday September 23, 2021 - 16:17:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Itoobiya oo deegaanno laga riixay iyo caasimadda Amxaarada oo halis ku jirta [Warbixin].

    Isku dhaxyaac iyo qoob gariir ayaa usoo galay maamullada degmooyinka iyo deegaannada ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya kadib markii ay maleeshiyadka qowmiyadda Tigreega taqadum ballaaran ka sameeyeen jabhadaha dagaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku dhaxyaac iyo qoob gariir ayaa usoo galay maamullada degmooyinka iyo deegaannada ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya kadib markii ay maleeshiyadka qowmiyadda Tigreega taqadum ballaaran ka sameeyeen jabhadaha dagaalka.


Wararka ka imaanaya galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus oo shalay ka dhacay gobolka Amhara ay sababeen in kooxda TPLF ay qabsato deegaanno istiraatiiji ah.

ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in ciidamada Federaaliga Abiy Axmed ay dib uga gurteen dhowr deegaan oo dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Gondar oo ah caasimadda 2aad ee qowmiyadda Amxaarada.

Wariyaal ayaa soo sheegay in rasaas iyo madaafiic culus xalay laga maqlay meel aan sidaas uga fogeyn magaalada Gondar, warar si aad ah layskula dhax qaadayo baraha bulshada ayaa ku warramaya in maleeshiyaadka TPLF ay soo kulaaleen magaalooyinka Bahardar iyo Gondar.


Mas'uul uhadlay maleeshiyaadka Tigreega wuxuu ku faanay in ciidamadoodu ay ka gudbeen deegaan kala goys ah oo laga difaacayay Gondar iyo Bahardar balse arrinkaas xukuumadda abiy ma xaqiijin mana beenin.

Rasaasta iyo madaafiicda laga maqlay magaaladan Gondar ayaan la ogeyn waxa ay yihiin wararka qaar waxay tibaaxayaan in fowdo iyo qalaanqal ka dhax taagan ciidamada amxaarada ay sababtay in ay dhaxdooda dagaallamaan halka warar kale ay sheegayaan in TPLF ay magaalada weerartay.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysay kooxaha Tigreega in ay jareen buunddooyin muhiim ah oo isku xirayay magaalooyinka gobolka amhara, warqoraal ah oo kasoo baxay wasaaradad difaaca Itoobiya ayaa lagu sheegay in TPLF ay jartay buundooyinka isku xirayay magaalooyinka amdiirook ,waag.ibnaat iyo bahardar.

kooxda hubaysan ee qowmiyadda Tigreega ayaa iyana beenisay eedaymaya loo jeediyay waxayna sheegtay in buundooyinka uu jaray melleteriga Itoobiya saacadihii ugu dambeeyay ee uu isaga firxanayay degmooyinkaasi.

dhinacyada isku haya galbeedka iyo waqooyiga Itoobiya ayaa guulo kala sheeganaya balse maanta waxaa si aad ah loo hadal hayaa cabsida dagaal ee ka jirta magaalooyinka waa weyn ee amxaarada iyadoona la xaqiijinayo in ciidamada dowladda dhul istiraatiiji ah lagasoo riixay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items