Weeraro 10 askari lagu dilay oo ka dhacay duleedyada Baraawe iyo Afgooye.

Thursday September 23, 2021 - 12:32:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro 10 askari lagu dilay oo ka dhacay duleedyada Baraawe iyo Afgooye.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Weerar culus oo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay ka fuliyeen xero tababar oo kutaal duleedka magaalada Baraawe ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 10 askari.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay 8 askari halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhinaca kale weerar gaadma ah oo shalay ka dhacay isbaarada Cumar Beere ee duleedka Afgooye ayaa sababay dhimashada 2 askari iyadoona xoogagii weerarka qaaday ay soo furteen hub iyo rasaas.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items