Ergay Xildhibaan soo xulay oo Baydhabo lagu dilay iyo warar kale.

Wednesday September 22, 2021 - 11:55:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergay Xildhibaan soo xulay oo Baydhabo lagu dilay iyo warar kale.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay dileen mid kamdia ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay dileen mid kamdia ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.


Xoogag hubaysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay Liibaan Qaadi Cali oo ahaa Ergay wax kasoo xulay xildhibaannadii baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagasoo doortay dhanka gobolka Baay.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen.

Liibaan Qaadi ayaa sanaddii 2016 Baydhabo uga qeyb galay shirarkii lagusoo xulayay xildhibaannada baarlamaanka isagoo soo xulay xildhibaan.


Al Shabaab ayaa horay Muqdisho iyo magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya sidaan ugu dishay odayaal iyo Ergay ka qeyb galay doorashooyinkii dowladda.

Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa degmada Huriwaa ku dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Max'med Sheekh.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items