Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay dibad baxyo lagu taageerayo Ikraan Tahliil.

Wednesday September 22, 2021 - 09:45:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay dibad baxyo lagu taageerayo Ikraan Tahliil.

    Xilli uu sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya madaxtooyada iyo xukuumadda Federaalka ayay awaamir iskasoo horjeedo kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya madaxtooyada iyo xukuumadda Federaalka ayay awaamir iskasoo horjeedo kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga.


Cabdullaahi Max'med Nuur oo ah wasiirka amniga xukuumadda Rooble ayaa ogolaado in Muqdisho lagu qaban karo dibad baxyo loogasoo horjeedo dilkii Ikraan Tahliil.

Wasiirka amniga oo kulan laqaatay ehelka Ikraan ayaa sheegay in ay sugayaan ammaanka dadka dhigaya dibad baxyada lagu dalbanayo in sarkaalkad Ikraan ay hesho cadaalad.


Saacado kadib waxaa arrinkaas mamnuucay maamulka Banaadir ugu magacaaban DF-ka, Cali Yare oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir ayaa warbaahinta usheegay in aysan ogolaan doonin dibad bax rabshado wata oo Muqdisho lagu qabto.

Mas'uulkan sida aadka ah ula jadbaysan siyaasadda Farmaajo ayaa yiri "Ma ogolaan doono in ay dhacaan wax aanan anagu xalaalayn sharcigana kasoo horjeedo".

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in haddii uu sii jiro khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ay iska hor'imaadyo ka dhici karaan xaafadaha Muqdisho.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items