Dhammaan Saraakiishii hoggaaminaysay Inqilaabkii fashilmay ee Suudaan oo gacanta lagu dhigay.

Wednesday September 22, 2021 - 09:03:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhammaan Saraakiishii hoggaaminaysay Inqilaabkii fashilmay ee Suudaan oo gacanta lagu dhigay.

    Xukuumadda Suudaan ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay dhammaan askartii iyo saraakiishii ku lug laheyd Inqilaabkii fashilmay ee shalay dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Suudaan ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay dhammaan askartii iyo saraakiishii ku lug laheyd Inqilaabkii fashilmay ee shalay dhacay.


Wasiirka warfaafinta Suudaan ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Khurduum ku sheegay in gacanta lagu hayo 21 sarkaal oo hoggaaminayay inqilaabka iyo boqolaal askari oo qeyb ka ahaa afgambiga dhicisoobay.

Nin lagu magacaabo Jeneraal Cabdulbaaqi Bakraawi ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay inqilaabka gacanta ayaana lagu dhigay, sida ay wararku sheegayaan Jeneraalkan ayaa madax ka ahaa dhammaan gaadiidka gaashaaman ee Melleteriga Suudaan iyo ciidamada ku dagaallama hubka culus.


Xukuumadda Suudaan ayaa ballan qaadday in ay maxkamad soo taagi doonto kuwii inqilaabka sameeyay, Cabdalla Xamduuk oo madax u ah xukuumaddan Khurduum ayaa nidaamkii hore ee Al Bashiir ku eedeeyay in uu soo agaasimay wixii shalay dhacay.

Gaaska gaadiidka gaashaaman ee fadhigiisu yahay mandiqadda Al Shajar ee magaalada Umudurmaan waxaa lawareegay ciidamo uu wato Jeneraal Cabdi Fataax Alburhaan oo ah madaxa golaha siyaasadada Suudaan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items