Al Shabaab oo Saraakiil Boolis ku dishay Hodon iyo Dharkeynleey.

Tuesday September 21, 2021 - 16:11:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Saraakiil Boolis ku dishay Hodon iyo Dharkeynleey.

    Dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubaysan ayaa maanta duhurkii agagaarka saldhig galbeed ee degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Sarkaalka ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Bariise wuxuuna ahaa 2 xidigle katirsan ciidamada booliska.

Weerar kale oo isna ka dhacay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon ayaa lagu dilay sarkaal ciidan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Qoobeey, ilo wareeduyo waxay sheegeen in xoogagga dilka geystay ay sarkaalka ka qaateen qori AK47 ah.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items