Sideed sano kadib Weerarkii Westgate Kenya oo adkaysay ammaanka magaalada Nairobi.

Tuesday September 21, 2021 - 12:30:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed sano kadib Weerarkii Westgate Kenya oo adkaysay ammaanka magaalada Nairobi.

    Kumanaan katirsan ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa lagusoo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa lagusoo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi.


Saraakiisha ammaanka ayaa amray in la adkeeyo ammaanka goobaha ganacsiga ee ugu caansan dalka Kenya xilli ay dadka Kenyaanka ah xusayaan 8 sana guuradii kasoo waregetay markii uu dhacay weerarkii Westgate.

Meelaha ammaankooda sida aadka ah loo adkeeyay waxaa kamid ah Hoteellada ay ku caweeyaan dadka reergalbeedka ah iyo suuqyada ganacsiga ee kuyaal xaafadaha isku raranka ah ee ay deganyihiin dadka ladan.

21,Septembar 2013 ayay aheyd markii ay dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar khasaara badan dhaliyay ku qaadeen dhismaha Westgate halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 72 ruux oo ay kamid ahaayeen dad reergalbeed ah.


Weerarkii Westgate ayaa wali kasii yeeraya dhegaya shacabk Kenya iyo dowladooda, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay Al Shabaab gudaha Kenya ka fuliyeen weeraro dhiig badan ku daatay waxaana ugu dambeeyay weerarii lagu beegsaday saldhigga ciidanka Mareykanka ee Manda Bay.

Related Items