Askar iyo saraakiil ku dhintay weeraro ka dhacay degmada Dayniile.

Tuesday September 21, 2021 - 11:59:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo saraakiil ku dhintay weeraro ka dhacay degmada Dayniile.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aargada degmada Dayniile
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan gobolka Banaadir.


Ugu yaraan 3 askari ayaa dhimatay kadib markii qarax miino lagu beegsaday gaari uu lahaa mas'uul katirsan DF-ka xilli uu ku socdaalayay degmada Dayniile.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelay gaari ku socdaalayay wadada aadda deegaanka Daarusalaam, gaariga labeegsaday ayaa gebi ahaantiiba burburay.

Sidoo kale weerar qorshaysan oo xoogag hubaysan ay xalay ka fuliyeen guri kuyaal xaafadda Gubta Ciise Cabdi ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa maamulka degmada Dayniile ugu magacaaban dowladda Federaalka.


Dhinaca kale weeraro culus ayaa xalay lagu miray saldhigyo dhowr ah oo ciidamada booliska DF-ka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Meelaha ay weeraradu ka dhaceen waxaa kamid ah agagaarka isbitaalka xoogga iyo isgoyska degmada Howlwadaag balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items