Fahad Yaasiin oo dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Tuesday September 21, 2021 - 11:30:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahad Yaasiin oo dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho.

    Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan madaxtooyada Villa Somalia ayaa saaka aroortii hore gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho si ay usoo gelbiyaan taliyihii hore ee Sirdoonka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan madaxtooyada Villa Somalia ayaa saaka aroortii hore gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho si ay usoo gelbiyaan taliyihii hore ee Sirdoonka.


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah lataliyaha amniga Qaranka ayaa la xaqiijiyay in uu kasoo degay garoonka diyaaradaha isagoo diyaarad khaas ah kasoo kaxaystay dalka Turkiga.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Fahad uu Villa Somalia kulamo kula leeyahay Farmaajo iyo saraakiishiisa gaarka ah, jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii diyaarad uu la socday Fahad lagu xanibay dalka Jabuuti.

Socdaalka taliyihii hore ee sirdoonka ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka Rooble iyo Farmaajo uu cirka iskusii shareeray.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items