Ismaaciil Cumar Geelle oo laga saaray isbitaalkii uu kujiray dibna ugu laabtay Jabuuti.

Monday September 20, 2021 - 11:58:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Cumar Geelle oo laga saaray isbitaalkii uu kujiray dibna ugu laabtay Jabuuti.

    Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay soo hagaagtay xaaladda caafimaad ee Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay soo hagaagtay xaaladda caafimaad ee Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.


Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in Geelle uu caafimaad qabo islamarkaanna uu dalka dib ugusoo laabtay uuna kasoo baxay Isbitaal kuyaal magaalada Paris.

Isbuucii lasoo dhaafay kooxaha mucaaradka ayaa faafiyay warar ay ku sheegayaan in Geelle uu ku suganyahay xaalad caafimad xummo ballse arrinkaas ayaa beenoobay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Jabuuti gacan bir ah u maamulaya wax ka badan 21 sanadood xiriir ah, madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa boobay hantidii umadda kawada dhaxaysay arrinkaas oo bulshada dalkaas u horseeday faqri daran.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items