Shirkii shakiga badan laga qabay oo aan ka furmin magaalada Garowe.

Monday September 20, 2021 - 11:49:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii shakiga badan laga qabay oo aan ka furmin magaalada Garowe.

    Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku fashilmay in waqtigiisi ay ku qabtaan shir lagu ballamay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku fashilmay in waqtigiisi ay ku qabtaan shir lagu ballamay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirka oo loo madlanaa in berri uu furmo uu dib udhac ku yimid sababa laxiriira codsi cudur daarasho ah oo ka yimid Axmed Kaariye Qoorqoor oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Galmudug'.

Shirkan ayaa lafilayay in madaxda maamul goboleedyadu ay uga xaajoodaan khilaafka xooggan ee ka dhaxeeya R/wasaare Rooble iyo Farmaajo.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha maamullada ay damacsanyihiin in ay ka faa'iidaystaan khilaafka madaxda dowladda ayna iyagu awood siyaasadeed ku dhaxyeeshaan doorashada xildhibaannada si ay u uqaataan madaxweynaha,R/wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka xukuumadda soo socota.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items