Qarax ay saraakiil ku dhaawacmeen oo Buurhakaba ka dhacay iyo sarkaal Boolis oo Muqdisho lagu dilay.

Monday September 20, 2021 - 11:32:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ay saraakiil ku dhaawacmeen oo Buurhakaba ka dhacay iyo sarkaal Boolis oo Muqdisho lagu dilay.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helay qaraxyo ay ku dhaawacmeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed kaasi oo ka dhacay gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helay qaraxyo ay ku dhaawacmeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed kaasi oo ka dhacay gobolka Baay.


Wararka ka imaanaya magaalada Buurhakaba ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay qaraxyada uu ka mid yahay taliyihii sirdoonka degmada kaasi oo lagu magacaabo Xuseen Dhuuboow.

Sidoo kale waxaa mas'uuliyiinta dhaawacmay kamid ah Caddoow Cabduulle iyo saraakiil kale oo dhammaantood katirsanaa maamulka Koonfur galbeed.

Dhinaca kale weerar qorshaysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsana ciidamada dowladda Federaalka.


ilo wareedyo laga helay waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubaysan ay xaafadda Suuqa Xoolaha ku dileen laba xidigle Cabdiraxmaan Xaaji barre oo katirsanaa saraakiisha Booliska.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda islaamiga Andalus.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items