Sawirro: Al Shabaab oo qaraxyo ku burburiyay garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde.

Sunday September 19, 2021 - 12:13:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab oo qaraxyo ku burburiyay garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde.

    Ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo oo kutaal gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo oo kutaal gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ayaa sheegaya in qaraxyo lagu burburiyay dhismaha xurumihii ugu muhiimsanaa ee garoonka diyaaradaha degmadaasi.

ilo wareedyo ayaa xaqiinaya in la beegsaday goob ay saldhig ku leeyihiin ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti , sida ay wararku sheegayaan qaraxyada ayaa haleelay dhismayaal cusub oo dhawaan uu Ururka midowga Yurub ka hirgeliyay gudaha garoonka diyaaradaha macmalka Buula Burde.


Sawirro lagasoo qaaday gudaha garoonka ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray dhismayaashii cusbaa ee dhowaan halkaas laga hirgeliyay.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay waxba kama jiraan ka dhigaan mashruucii lagu dhisayay madaarka Buula Burde oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin ciidamo ka socda dowladda Jabuuti.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka 'Hirshabelle' ayaa lafilayay in ay maanta soo gaaraan magaalada si ay xarigga uga jaraan garoonka diyaaradaha Buula Burde, tan iyo sanaddii 2014-kii waxaa magaaladan saaran hareerayn dhan walba ah oo ay soo rogtay wilaayada islaamiga Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda ayaa saadka iyo sahayda melleteri loogusoo daabulaa diyaarado ay leeyihiin hay'adaha Q.Midoobe arrinkaas oo cuuryaamiyay hadafkii ugu weynaa ee ay ka lahaayeen qabsashada magaaladan istiraatiijiga ah.

Hoos ka daawo sawirro muujinaya burburka ka dhashay qaraxyadii xalay.








Related Items