Sarkaal lagu dilay Muqdisho iyo weeraro ka dhacay wilaayaatka qaar.

Sunday September 19, 2021 - 08:53:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal lagu dilay Muqdisho iyo weeraro ka dhacay wilaayaatka qaar.

    Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.


Xoogag hubaysan ayaa xalay fiidkii degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Cabdi Macallin.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan dilkan ah oo ka dhacay xaafadda Abagado ay geysteen xoogag hubaysan kuwaas oo markii dambe goobta si nabad gelyo ah uga baxsaday.

Isla magaalada Muqdisho dhowr ayaa qarax ayaa lagu weeraray isku imaatin ay ciidamada dowladda Federaalka uga sugnaayeen isgoyska Ex.control Afgooye.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaraxyo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti xilli ay ku sugnaayeen Buula Burde.

Sida ay wararku sheegayeen jugta dhowr qarax ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha macmalka Buula Burde halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Jabuuti balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhanka gobolka Bakool weerar culus ayaa markale xalay lagu miray saldhigga ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items