Mid kamida xubnihii isbahaysigii 'Argagaxisa ladirirka' oo ku dhintay dalka Kenya.

Sunday September 19, 2021 - 08:40:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mid kamida xubnihii isbahaysigii 'Argagaxisa ladirirka' oo ku dhintay dalka Kenya.

    Maalmo isku xiga waxaa geeriyooday laba kamid ah dagaal oogayaashii Mareykanka qandaraaska ugasoo qaatay ladagaallanka culimaa'udiinka soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo isku xiga waxaa geeriyooday laba kamid ah dagaal oogayaashii Mareykanka qandaraaska ugasoo qaatay ladagaallanka culimaa'udiinka soomaaliyeed.


Cabdi shukri oo xubin ka ahaa isbahaysigii loogu magac daray 'Argagaxisa ladirirka' ayaa shalay ku dhintay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida ay sheegeen dad ehel ka ah Cabdi Shukri waxaa kusoo booday xanuun aan wali lagaran, ninkan ayaa sanaddii 2005-tii Muqdisho uga dhawaaqay isbahaysi ashahaadda ladirir ah oo qandaraas kasoo qaatay maamulkii G.W Bush.

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu magaalada Muqdisho ku dhintay Bashiir Raage Shiiraar oo kamid ahaa xubnihii isbahaysigaas ahaana jaasuus xiriir wanaagsan lalahaa sirdoonnada Mareykanka iyo Yahuudda.


Inta badan xubnihii isbahaysigan ayaa udhintay cudurro aan lagaran halka qaarkood ay ku baxeen gacanta Al Shabaab, kuwa dhintay waxaa kamid ah Max'med Qanyare Afrax, Ciise dheere, Bootaan Xaaraan kunaax, Bashiir Raage iyo Cabdi shukri.

Ururkii midowgii maxaakimta Islaamiga iyo shacabka Muqdisho oo iskaashanaya ayaa bartamihii sanaddii 2006 ku guulaystay in ay eryaan Isbahaysigii Argagaxisa ladirirka ahaa balse sanado kadib ayay dalka dib ugusoo laabteen iyagoo la socday ciidamada Xabashida Itoobiya.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items