Ciidamada Yahuudda oo dib uqabtay dhammaan maxaabiistii ka baxsaday xabsiga Jalbuuc.

Sunday September 19, 2021 - 08:01:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Yahuudda oo dib uqabtay dhammaan maxaabiistii ka baxsaday xabsiga Jalbuuc.

    Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda ay dib uxireen laba dhalinyaro maxaabiis ah oo laba isbuuc ka hor ka baxsaday xabsi amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda ay dib uxireen laba dhalinyaro maxaabiis ah oo laba isbuuc ka hor ka baxsaday xabsi amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo.


Yazin Ashti iyo Osama Mujaahid ayaa gacanta lagu dhigay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Yahuudda iyo kooxaha muqaawamada Falasdiin.

Mid kamida maxaabiista ayaa lagu qabtay magaalada Jiniin ee mandiqadda daantagalbeed, ehelka Osama Mujaahid ayaa xaqiijiyay in wiilkoodu isku dhiibay ciidamada Booliska Yahuudda kadib markii ay ku hanjabeen in ay qarxinayaan gurigii uu isku qarinayay oo ay deganaayeen dad maras ah.


13 maalmood xiriir ah ayay ciidamada Yahuudda erynayeen illaa 6 maxaabiis ah oo si xeeladaysan uga baxsaday xabsiga amnigiisa sida aadka ah loo ilaaliyo ee Jalbuuc.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items