Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Puntland oo ka dhacay duleedka Boosaaso.

Saturday September 18, 2021 - 13:16:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Puntland oo ka dhacay duleedka Boosaaso.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo iyo iska hor'imaadyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo iyo iska hor'imaadyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Bari.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' waxaana lasoo wariyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Qarax ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Balli Khadar iyo Sugurre ayaa sababay burburka gaari Cabdi Bile ah iyo dhimashada hal askari.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyada kadib uu dhacay weerar jidgal ah oo loo dhigay ciidamadii ka badbaaday qaraxyada balse lama oga khasaaraha ka dhashay.


Dhinaca kale xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar habeel dheelmad ah ku miray saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaannada Afmadoow iyo Taabto oo kawada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items