Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka murugaysan Khilaafka siyaasadeed ee ka jira Villa Somalia.

Saturday September 18, 2021 - 10:05:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka murugaysan Khilaafka siyaasadeed ee ka jira Villa Somalia.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka laba lixaadsade ee udhaxeeya hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka laba lixaadsade ee udhaxeeya hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin ismariwaaga soo kala dhaxgalay Farmaajo iyo Rooble.

"daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay ka walaacsanyihiin khilaafka udhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha waa in ay ka shaqeeyaan badqabka shacabka soomaalida ayna xalliyaan ismariwaaga" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay EU.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa iyana muujisay sida ay uga xuntahay ismariwaaga Farmaajo iyo Rooble iyadoo xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ugu baaqday in ay xalliyaan khilaafka udhaxeeya.


Baaqday kasoo baxay reergalbeedka ayaa umuuqda kuwa usha dhaxda ka qabsaday oo aan lasafan dhinac kamid ah dhinacyada is haya, Rooble ayaa dadaal ugu jira sidii uu bahdil siyaasadeed ugu sameyn lahaa Farmaajo.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items