Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa dalka Al Jazaa'ir oo geeriyooday.

Saturday September 18, 2021 - 11:32:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa dalka Al Jazaa'ir oo geeriyooday.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Al Jazaa'ir ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Cabdi Caziiz Botafaliiqa oo muddo ka badan 20 sano wadankaas oo maamulayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Al Jazaa'ir ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Cabdi Caziiz Botafaliiqa oo muddo ka badan 20 sano wadankaas oo maamulayay.


Sida ay wararku sheegayaan Botafaliiqa ayaa geeriyooday shalay gelinkii dambe kadib xanuun uu ladhibanayaa todobadii sanadood ee lasoo dhaafay.

Botafaliiqa oo 84 sana jir ah ayaa sanaddii 2013 awoodi waayay in uu socdo kadib markii uu maskaxda dhiig uga furmay, wixii xilligaas ka dambeeyay wuxuu fuulay kursi.

Saraakiishii lataliyaasha lasoo noqday Botafaliiqa ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu caqligu ka tagay uuna noqday asaasaq illaa sanaddii 2019 kacdoon shacbi kadib lagu qasbay in uu iscasilo.


Ninkan ayaa xukunka xoog kula wareegay sanaddii 1999 xilligaas oo melleterigu ay xasuuqeen taageerayaashii xisbiyada islaamiga ee ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada.

Labadii sano ee uu kursiga madaxtinimada ka maqnaa Botafaliiqa warbaahinta kasoo muuqan isagoona ku xanuunsanaa gurigiisa oo kuyaal magaalada casimadda ah ee Al Jazaa'ir.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items