Farmaajo oo awoodihii fulineed ka xayuubiyay R/wasaare Rooble.

Thursday September 16, 2021 - 16:09:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo awoodihii fulineed ka xayuubiyay R/wasaare Rooble.

    Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in lahakiyay awoodihii siyaasadeed ee R/wasaare Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in lahakiyay awoodihii siyaasadeed ee R/wasaare Rooble.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa qaaday tallaab u eg xilka qaadis wuxuuna Rooble ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurka udegsan dowladda Federaalka.

Farmaajo ayaa warsaxaafadeedkiisa ku caddeeyay in uu hakiyay dhammaan wixii awooda ah ee uu lahaa Rooble isagoo wasiirrada xukuumadda iyo guddiyada doorashada farat in ay sii wataan shaqooyinkooda.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay R/wasaarihiisa in uu baalmaray dhammaan sharciyadii DF-ka udegsanaa islamarkaana uu diiday in uu ka amar qaato isaga.


"Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban" ayaa kamid ahaa eedaymaha Farmaajo.

arrintan ayaa cirka kusii shareeri karta khilaafkii siyaasadeed ee kajiray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tallaabooyinka uu qaatay Farmaajo waxay sababi karaan isku dhacyo hubaysan iyo in waxa loogu yeero beesha caalamka ay la saftaan Rooble.

qaabkii foosha xumaa ee loo dilay sarkaalad Ikraan Tahliil ayaa la rumeysanyahay in ay Farmaajo ku khasabtay in uu qaado wax walba oo uu ku difaacyo Fahad Yaasiin iyo saraakiisha kale ee NISA.


Related Items