Sarkaal katirsanaa Booliska Kenya oo lagu qafaashay magaalada Nairobi.

Thursday September 16, 2021 - 13:16:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Booliska Kenya oo lagu qafaashay magaalada Nairobi.

    Dablay hubaysan ayaa markale wadanka Kenya ku qafaalatay sarkaal sare oo katirsan booliska wadankaas balse ah soomaali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dablay hubaysan ayaa markale wadanka Kenya ku qafaalatay sarkaal sare oo katirsan booliska wadankaas balse ah soomaali.


Sida ay warar sheegayaan ciidamo hubaysan oo wajiyadu u xiranyihiin ayaa wadada loo yaqaan Thika Road ee magaalada Nairobi ka qafaashay sarkaal soomaali ah balse xubin ka ahaan booliska dowladda Kenya.

Cumar Dida oo ah aabaha dhalay sarkaalka laqafaashay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in wiilkiisu uu gacan galay kooxo aad uhubaysan oo aan lagaran.

"Xogheynta wasiiradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang waa inuu sharaxaa wixii dhacay xaqiijiyina in sarkaalka dib u helo xoriyaddiisa” sidaasi waxaa yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay.


Afduunka lagu hayo dadka soomaalida ayaa bilahaan dambe si aad ah ugusoo badanaya magaalada Nairobi iyo hareeraheeda, isbuucii lasoo dhaafay ayay ciidamo hubaysan qafaasheen nin falanqeeye ah oo lagu magacaabo Cabdiwahaab waxaana kasii horreeyay kiisas afduub iyo dilal ah oo lagula kacay ganacsato soomaaliyeed

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items