Taliye ku xigeenka Haramcad oo ku dhaawacmay iska hor'imaad Muqdisho ka dhacay.

Thursday September 16, 2021 - 11:08:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku xigeenka Haramcad oo ku dhaawacmay iska hor'imaad Muqdisho ka dhacay.

    Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa iska hor'imaad culus oo markale magaalada Muqdisho ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa iska hor'imaad culus oo markale magaalada Muqdisho ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka.


Iska hor'imaadka oo ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee degmada Hodon ayaa dhaxmaray ciidamo Boolis iyo Melleteri ah kuwaas oo qaab beeleed ukala saftay.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka oo muddo daqiiqada ah socday layskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa salka ku haya lahaanshiyo dhul.

Ugu yaraan sedax qof shacab ah oo ay haleeshay rasaas haboow ah ayaa laga dhigay isbitaalka Madiina halka dhaawacyada askar iyo saraakiil lageeyay isbitaalka Digfeer.


Dadka ku dhaawacmay dagaalkii degmada Hodon waxaa kamid ah Cabdi Xamiid Fanax oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Haramcad ee lagu tababaray saldhigga Turkiga.

Maleeshiyaadka DF-ka ayaa ah kuwa dabadhilifyo ah oo caan ku ah burcadnimo,shisheeye lashaqeyn iyo abaabullidda colaado ku dhisan hanaan beeleed.

Related Items