Sarkaal Indha u ahaa ciidamada Xabashida oo lagu dilay magaalada Baydhabo.

Wednesday September 15, 2021 - 13:44:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Indha u ahaa ciidamada Xabashida oo lagu dilay magaalada Baydhabo.

    Ciidamada gaarka ah ee Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo gaar gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalooyin dhaca koonfurta dalka Soomaaliya waxay ku khaarajiyeen askar katirsanaa DFS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada gaarka ah ee Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo gaar gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalooyin dhaca koonfurta dalka Soomaaliya waxay ku khaarajiyeen askar katirsanaa DFS.



Howlgalka koowaad oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay waxay dagaalyahannada Jihaadiga ah ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 2 askari.

Ilo wareedyo muhiim ah waxay soo wariyeen in ragga howlgalka fuliyay ay u dhaceen hoyga ay askartani ka deganaayeen magaalada Baydhaba kadibna ay halkaas ku wada toogteen labada askari oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xambal iyo Dambiil Walaba oo si gaar ah uga tirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.


Wararku waxay intaas ku darayaan in Dambiil Walaba uu ahaa sarkaal caan ku ahaa la shaqeynta ciidamada Xabashida Itoobiya waxaana lagu tiriyaa mid kamida saraakiishii Indhaha u ahaa Itoobiya ku duulay gobollada Bay iyo Bakool

Howlgalka labaad wuxuu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay waxaana lagu dilay askari katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed'.

Weerar kale oo isna ka dhacay agagaarka isgoyska Ex.Control Afgooye ee galbeedka Muqdisho ayaa sababay dhimashada askari katirsanaa ciidamada Booliska DF-ka.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items