Muuse Suudi oo kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Wednesday September 15, 2021 - 07:01:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Suudi oo kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

    Xildhibaannada maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle' ayaa doortay qaar kamid ah Senetarrada cusub ee golaha aqalka sare ee dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle' ayaa doortay qaar kamid ah Senetarrada cusub ee golaha aqalka sare ee dowladda Federaalka.


Muuse Suudi Yalaxoow ayaa markale noqday Senatar kadib markii uu doorasho waqti dheer qaadatay lagalay siyaasiyiin hore uga tirsanaa Dowladda.

Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar oo lacago laaluush ah lagu bixiyay ayaa ugu dambayn sababtay in Muuse Suudi uu noqdo xildhibaan waxaana tartanka isaga haray Axmed Daaci iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Guddiga doorashada maamulka 'Hirshabelle' ayaa sheegay in Muuse Suudi uu helay 55 cod halka ninkii latartamayay uu helay 43 cod, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu xildhibaan walba siiyay lacag dhan 5,000 oo dollar.


Sidoo kale waxaa ladoortay laba Senetar oo lagu kala magacaabo Nuur Canjeex iyo Fartuun Karaama.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items